Xiliga codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada cusub oo la shaaciyey

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maalinta beri oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24/10/2020 waxaa lagu wadaa iney Xarunta Villa Hargeysa ku yeeshaan kulan aan caadi aheyn.

Ajandaha Kulanka Beri ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumadda sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay baahisay qeybta warfaafinta ee golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya 19-kii bishan Magacaabay golihiisa Wasiirada, kuwaasoo hadii la ansixiyo aan waqti badan u heysan inay Shaqada laga sugayo qabtaan, maadaama waqtiga xil heynta Hay’adaha dowladda uu yahay geba-gabo lana gelayo doorashooyin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey uga codsaday golaha shacabka iney ansixiyaan xubnaha cusub ee golaha wasiirada, si ay u dhameystiraan mudada xil heynta dowlada oo dhowr bilood ayka hartay, una taaba geliyaan hanaanka doorashooyinka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -