Trump iyo Biden oo yeeshay dood kulul oo aan waxba la iskula harin (Sawirro)

Musharaxiinta ku tartami doonta doorashada madaxtinimada Mareykanka ee loo balansan yahay in ay dhacdo 3-da bisha November ee sannadkaan, ee kala ah madaxweynaha hadda talada haya Donald Trump iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, ayaa xalay dooddoodii ugu danbeysay ku yeeshay magaalada Nashville ee gobolka Tennessee.

Dooddi xalay oo dhacday xilli ay doorashada madaxtinimada ka harsantahay 12 maalin oo kaliya, ayay Trump iyo Biden aad ugu doodeen mawaadiic ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, isirka, isbaddalka cimmillada, ceymiska caafimaadka iyo socdaalka, hase yeeshee waxaa aad doodda u hareeyay uguna weynaa, mowduuca Coronavirus.

Xanuunkan oo Mareykanka ka dilay in ka badan 221 kun oo qof, ayuu madaxweyne Trump ku adkeystayin maamulkiisa uu si wanaagsan u maareynayo dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19, muddo todobaadyo ah gudahoodna ay ku soo saari doonaan tallaalka xanuunkan.

Laakiin Biden ayaa aad ugu weeraray Trump in maamulkiisa uu mas’uul ka yahay dhimashada tirada badan ee uu xanuunkani ku sababay Mareykanka.

“Qof walba oo mas’uul ka ah dhimashadaas faraha badan, waa inuusan sii ahaan madaxweynaha waddanka Mareykanka,” ayuu yiri Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -