Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo u dhoofay Talyaaniga kaddib casuumad uu helay

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaas.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka dalban doona madaxda dalka Talyaaniga uu la kulmo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladad Talyaaniga taageero u siin  laheyd baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga oo horey usoo gumeysatay Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha taageera dowladda Soomaaliya, waxa ayna Talyaaniga marar kala duwan dalkooda ku casuumeyn madax katirsan dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Raisul Wasaare Xamse Cabdi barre oo caawa..

Caydiid Ali

Toogasho ka dhacday Paris & Booliska France oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaaf hareeyay Shirka u Socda Wasaaradda Maaliyadda DF iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo fashil…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---