Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka qeybta 21aad ee Xoogga dalka ayaa saaka weeraray degaanada Labi-dule iyo Sina dhaqo oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb halkaasoo la sheegay iney ku sugnaayeen xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab laga sifeeyey labada degaan ka dib dagaal muddo kooban qaatay socday oo ka dhacay.

Taliyaha Guutada 15aad oo hoos tagta qeybta 21-aad  Jen. Mascuud Max’ed Warsame ayaa  sheegay inay khasaaro xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ciidamadu wadaan xaqiijinta Amniga degaannadii ay la wareegeen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin gobolada Mudug & Galgaduud.

Ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya Khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waana markii 3aad ee ciidamada xoogga ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyaan degaano hoos taga magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -