Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo Turkiga ka taageereysa Marti-gelinta Shirweyne caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee JFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, ayaa kulan la yeelatay dhiggeeda Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada ee Turkiga, Mudane Murat Kurum.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada wasaaradood, iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo horumarin lahaa ajendaha cimilada.

Labada wasiir ayaa si gaar ah diiradda u saaray sidii Soomaaliya uga qeyb qaadan lahayd taageeridda Turkiga oo doonaya in uu martigeliyo shirweynaha caalamiga ah ee #COP31.

Wasiir Khadiija ayaa ballan qaaday in ay Turkiga ka caawinayaan ololaha ay ku doonayaan in shirkan lagu qabto Turkiga, iyadoo Soomaaliya codkeeda si buuxda ugu taageerayso Turkiga.

Kulankani waxa uu iftiiminayaa sida muhiimka ah ee ay Soomaaliya u daneyneyso iskaashiga saaxiibtinimo iyo horumarinta ajendaha cimilada ee caalamka, iyadoo qayb ka ah taageeridda xalalka waara iyo iskaashiga caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Itoobiya oo loogu baaqay iney kala dirto ciidamada loo yaqaan Liyu booliis

Caydiid Ali

R/W Rooble oo ku fashilmay Qorshihii u tagay Garawe iyo Deni oo labo Shardi ku xiray

Cabdi Cade

Siyaasi caan ah oo qiimeyn ku sameeyay Warkii kasoo baxay dowlada Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---