Taliska Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay laayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab

War kasoo baxay taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ciidanka xooga Soomaaliyeed howlgal qorsheesan ka fuliyeen deegaan Al Shabaab isku aruursanayeen oo kuyaala duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta dowlada  u sheegay in ciidanka ay ku guuleeysteen bur-burinta goob dagaalyahano katirsan Al shabaab ay isku aruursanayeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalkaasi ciidamada milatariga ku dileen 19-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale nolosha ku qabteen labo dagaalyahan, waxa uuna intaa ku daray in sidoo kale ka gubeen Al Shabaab labo gaari.

Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaan qiyaastii 11-km u jira Diinsoor uu yimid kadib markii ciidamada heleen xog ku aadan in halkaasi isku aruursanayaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheesan xiliyada qaar ka fuliya qaar kamid ah gobolada Soomaaliya, howlgaladan ayaana saraakiisha milatariga Soomaaliya guulo waa weyn ka sheegtaan inta badan.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -