Khayre oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadda (Daawo Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarunta Wasaaradda maaliyadda si loo dardar geliyo hal-beegyada ku jira tubta horumarinta dhaqaalaha ee sida gaarka ah fulintooda looga doonayo wasaaradda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda kula a kulmay wasiiru dawlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, oo uga xog-warramay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu wasaaradda ku sugnaa waxa uu guddoomiyay shir ay la lahaayeen hawl-wadeennada wasaaradda, isaga oo faray in la xoojiyo qorshaha dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal-gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -