Nin Amar ku bixiyay in la toogto burcad badeed Soomaali ah oo Dacwad lagu soo oogay

Maxkamad kutaala dalka Taiwan ayaa dacwad kusoo oogtay kabtan doon kaluumeesi oo u dhashay dalkaasi oo lagu eedeeyay in uu amar ku bixiyay in la toogto koox burcad badeed Soomaali ah sideed sano kahor.

Wang Fenyu oo u dhashay Taiwan kabtana ka ahaa doon kaluumeesi ayaa lagu eedeeyay in uu amar ku siiyay koox calooshood u shaqeestayaal hubeesan oo u dhashay Pakistan in ay toogtaan afar nin oo la sheegay in ay ahaayeen burcad badeed.

Ninkan dacwada lagu soo oogay ayaa sheegay in sababta uu amarka ugu bixiyay in la toogto burcad badeeda ay aheyd cabsi uu ka qabay inay baxsadaan isla markaana ay goobta yimaaddo burcad badeedka kale si ay u afduubtaan doonta  uu kabtanka ka ahaa.

Kabtankan ayaa la xiray bishii agoosto kadib markii doon uu waday ay kusoo xiratay dekad kutaala magaalada Kaohsiung ee Taiwan, waxaana ninkan lagu eedeeyay dil iyo in uu ku xadgudbay sharciga adeegsiga hubka.

Waxayna dhacdadan soo ifbaxday markii ay soo baxeen muuqaallo lagu qaaday teleefoonka gacanta oo muujinayaa afarta qof ee soomaaliga ah oo lagu dhex tooganayo badda xilli ay ku sugnaayeen goob boqolaal kiiloomiitar u jirta xeebaha Soomaaliya

Doomanka sida sharci darada ah uga kaluumeesta xeebaha Soomaaliya ayaa mararka qaar dilal u geesta kaluumeesato Soomaaliyeed iyagoo ku tuhma burcad badeed, mana jiro ciidamo Soomaaliyeed oo badeena ka ilaaliya burcada xaalufinta kawada.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -