Soomaali laga soo celiyay Liibiya oo Goordhaw laga soo dejiyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Soomaali laga soo bad baadiyay gacanta magafayaasha Liibiya kuwaa oo Dowlada Soomaaliya ku guuleesatay in dalka kusoo celiso.

Dadkan Soomaaliyeed ee maanta lagu soo celiyay magalaada Muqdisho ayaa isugu jiray Haween , caruiur iyo dhalinyaro, waxa ayna dadkan in mudo ah ku dhibaateesnaayeen gudaha Liibiya.

Raā€™iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan.

Dowlada Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay dalka Liibiya kuwaa oo ka shaqeenayay qaabkii dadka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dalka, waxaana la filayaa maalmaha soo aadan in dadka kale oo Liibiya laga soo celiyay la keeno Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comĀ 

- Advertisement -