Allbanaadir.com
NEWS

Seynisyahan nolosha nacay oo nafta lagu dhaafiyey Isbitaal ku yaalla Switzerland (Daawo Sawirro)

David Goodall oo ahaa seynisyahan 104 sano jir ah ayaa nafta looga raaxeeyay ka dib markii uu nolosha geeri ka doorbiday

Ninkan ayaa doorbiday in nafta looga raaxeeyo isbitaal ku yaalla dalka Switzerland.

Waxaa arrintan shaaciyay ururka u ololeeya xaqa uu qofka u leeyahay in uu dhinto.

Ururka caalamiga ah ee lagu magacaabo Exit International ayaa waxa ay sheegeen in Mr Goodall uu dhintay saacada markay ahayd 12:30 waqtiga dalka Switzerland .

Seynisyahankani caanka ah ma uusan hayn xanuun badan balse waxaase uu go’aansaday in nafta looga raaxeeyo .

Waxaa laga soo duuliyay dalka Australia si iyada oo la raacayo rabitaankiisa in nafta looga raaxeeyo.

Markii ugu dambeysay oo uu goob fagaaro ah ka hadlo ayaa waxa uu sheegay inuu la yaabay sida ay dadka u danaynayaan kiiskiisa “Ma rabo in aan sii noolaado,” ayuu yiri

“Qofka jira da’deyda amaba iga yar waa inuu xor u yahay inuu doorto geeri marka ay geeridu tahay waqtigii haboonaa.” ayuu intaa ku daray David Goodall oo dhowaan u dabaaldegay sanadguuradiisii 104 ee dhalashadiisa.

SAWIRADAN HOOSE WAA DAQIIQADO INTA AAN NAFTA LA DHAAFININ

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Kenya oo maanta kala saxiixanaya heshiisyo labada dal muhiim u ah (Akhriso)

Cabdi Cade

Wasiirka amniga oo ka hadlay sababta loo xiray maanta jidadka Muqdisho una hanjabaday..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Shaacisay in nolosha ku qabteen Taliyihii ciidamada Badda Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---