Maxay tahay sababta DF ciidanka Haramcad uga dejisey Magaalada Jowhar?

Dayuurado siday boqolaal ka tirsan ciidanka Booliska DF gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Sida wararku sheegayaan illaa saddex dayuuradood oo siday ciidamadan ayaa maanta ka degay garoonka dayuuradaha Jowhar, kuwaasoo ka ambabaxay markoodii hore magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka DF ayaa sheegay in ciidamadan loogu talo galay iney xoojiyaan amaanka magaalada Jowhar oo lagu wado in dhowaan lagu qabto doorashada hogaanka cusub ee Hirshabelle.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha baarlamanka maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Guddiga soo xulista Baarlamanka labaad ee Hirshabelle ayaa haatan ku sugan magaalada Jowhar.

Dowlada Somalia ayaa ku adkeysaneysa in la qabto doorashada Hirshabelle, iyadoo weli ismaandhaaf aan la la xalin uu ka taagan yahay isbedelka lagu sameeyey nidaamka awood qeybsiga beelaha Hirshabelle oo ay diidan tahay beesha ugu weyn gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -