Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Daalibaan oo Dagaal kula wareegtay Dooxada Panjshir iyo Dabaal deg bilowday

Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay inay inta badan la wareegeen Gobalka Panjshir oo ay haysteen Kooxda Xoogaga Iska-caabinta Daalibaan ee NRFA.

Afhayeen u hadlay kooxda Daalibaan,  waxa uu shaaciyey inay si buuxda ula wareegeen Gobalkaasi ayna carareen hogaamiyaasha kooxdii dagaalka kula jirtay.

Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ee Daalibaan ayuu ku yiri: “Gobalka Panjshir waxa uu soo galay Kontoroolka Imaaradda Islaamiga er Afganistaan”.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Daalibaan waxay dabaaldeg ka dhigeen Caasimada dalkaasi ee Kabul, iyago rasaas Hawada Sare u ridayey.

Madaxda Kooxda Iska-caabinta Gobalka Dooxada Panjshir waxaa la sheegay inay u baxsadeen dalka Tajakistan, kadib markii ay Daalibaan gudaha u soo galeen Gobalkaasi.

Higgaamiyihii Jabhadda Iska-caabinta, Axmed Mascuud Madaxweyne-ku-xigeenkii dalkaasi, Amrullah Saalax waxay u baxsadeen dalka Tajakistan oo deris la ah Afganistan.

 

Related posts

Madasha WUF12 oo laga furay Qaahira & Somalia oo..

Caydiid Ali

Maxey kawada Hadleen Madaxweyne Deni iyo Danjiraha Sacuudiga u jooga Kenya

Cabdi Cade

Mareykanka oo Digniin adag u diray Duuliyaashiisa iyo Muwaadiniinta ku sugan Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---