Dowlada oo kordhisay cadaadiska ay ku heyso shacabka magaalada Muqdisho

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho laga dareemayay jawi ka badelan kuwii hore, waxa ayna dowlada kordhisay cadaadiska ay ku heyso shacabka magaalada Muqdisho gaar ahaan xirista wadooyinka.

Shacabka Muqdisho oo isugu jira kuwa subaxii u jarmaada shaqo, waxbarasho iyo dano kale ayaa maalmahan la kulmayay xaalado ka duwan kuwii hore, waxa ayna dhoorkii malamood lasoo dhaafay dhibaato kala kulmayeen xirnaashaha wadooyinka Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaana dhoorkii subax ee lasoo dhaafay oo ku jirto saakay xirtay qaar kamid ah wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama, mana jiraan wax ogeysiin ah oo ku saabsan in wadooyinka la xirayo oo shacabka loo sheegay.

Dhoorkii subax ee lasoo dhaafay ayaa wadooyinka loo xiray kormeero uu sameenayay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo munaasabado kale uu ka qeyb galayay.

Dadka wadooyinka laga xirtay ayaa waxaa ku jira kuwa xanuunsan oo isbitaalo kusii jeeday iyo dad kale oo daruufo kala duwan heestaan kuwaa oon awoodin in ay lugeeyaan halka laga xirtay wadooyinkii ay mari lahaayeen gaadiidka iyo mootooyinka.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan ku faanay in dhagxaantii ka qaadeen qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho, hasa ahaatee dhagxaantii laga qaaday wadooyinkaasi ayaa lagu bedelay biro iyadoona sidii hore aysan wax ka duwaneyn marka laga reebo in mootooyinka kaliya loo ogol yahay in ay maraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -