Guddiga maamulayada Batroolka Soomaaliya oo la magacaabay iyo Somaliland oo xubin ku leh (Akhriso Magacyada)

Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (“SPA”) ayaa magacawday lix agaasimeyaal madax-bannaan oo ka tirsan guddigooda, waxa ayna agaasimayaashan kala matalayaan gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Xubnahan la magacaabay ee Hay’adda Batroolka ku matalaya Maamulada dalka ka jira ayaa ka shaqeyn doona kor u qaadida warshadaha saliida iyo gaaska iyo in ay hubiyaan in sharciyadda horumarinta maaliyaddeed ee dalka oo dhan.

Guddiga Batroolka Soomaaliya oo ka kooban 9-xubnood ayaa labo kamid ah waxa ay matalayaan dowlada federaalka Soomaaliya halka todobada kalana ay kala matalayaan Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Qoraal kasoo baxay guddigan ayaa lagu sheegay in diiradda saarayaan ujeedooyinka muddada-dheer ee HBS iyo mudnaanta si ay u noqdaan mid ka mid ah mas’uuliyiinta batroolka adduunka ugu horreeya.

Guddigan Batroolka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay  inuu ilaaliyo heerarka ugu sarreeya ee caafimaadka iyo badbaadada dadka dhammaan howlaha la xiriira baarista batroolka Soomaaliya, iyo sidoo kale ilaalinta heerarka heer caalami ee heer deegaan.

Waxa sidoo kale sheegeen in Guddigu ka shaqeyn doonaa sidii loo ilaalin lahaa maareynta halista dhawaaqa, nidaamyada xakamaynta gudaha iyo dib u eegis ku saabsan waxtarka sanad laha ah.

Xubnaha Guddiga Batroolka ku matalaya maamulada ayaa kala ah

  • Asha Osman Ahmed, Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye kuxigeen 
  • Ibrahim Ahmed Layte, Hirshabelle 
  • Abdulkadir Aden Mohamud,  Galmudug 
  • Ibrahim Abdulkadir Mohamed,  Koonfur Galbeed
  • Ahmed Haji Abdi,  Jubaland 
  • Abdihafid Ali Dirir,  Somaliland 
  • Mahad Mohamed Sh. Hassan, Dowlada Federaalka

Guddigan maamulaya Batroolka Soomaaliya ay ansixiyeen golaha Wasiirada uuna ogolaaday Madaxweyne Farmaajo ayaa ka shaqeyn doona maamulida batroolka Soomaaliya iyo horumarintiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -