Rooble oo xaliyay Khilaaf soo kala dhax galay Labo Wasiir katirsan Xukuumadiisa

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guuleestay in uu xaliyo khilaaf soo kala dhax galay Wasiirada Ciyaaraha iyo Gargaarka Xukuumada Soomaaliya.

Khilaafka soo kala dhax galay Wasiirka Ciyaaraha  Xamza Saciid Xamza iyo Wasiirka Gargaarka iyo kahor taga Musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriyeayaa si weyn looga dareemay warbaahinta iyo baraha bulshada oo la isku mariyay fariimo kul kulul.

Ra’isul Wasaare Rooble oo labadan Wasiir ugu yeeray xafiiskiisa ayaa dhax dhaxaadiyay khilaafkii u dhaxeeyay, waxa uuna amar ku siiyay in mar dambe aysan dhicin in hadalo aan loo baahneyn warbaahinta iyo baraha bulshada isku mariyaan.

Wasiirka Ciyaaraha  Xamza Saciid Xamza ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku xaqiijiyay in Ra’isul Wasaare Rooble xafiiskiisa isku arkeen Wasiir Khadiija Diiriye ayna iska cafiyeen waxii dhax maray.

“Waxaan hoyga ra’iisul wasaaraha kula kulmay walaashey wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo aan is cafinay, si wadajr ahna aan uga heshiinay wixii horey u dhacay,” ayuu yiri Wasiirka Ciyaaraha Xamza.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa iyana qoraal koobay ay soo dhigtay barteeda Facebooka ku sheegtay in ay qaadatay dalab ka yimid Madaxda sare ee dowlada oo ku aadan in ay heshiiyaan isna cafiyaan Wasiir Xamze.

“Madaxdeyda qaranka kama weyni raalli-gelina waa qaadasho, walaalkey Hon Xamza cafis baa iga tahay Aboow,” ayey ku tiri Qoraal ay Facebooka soo dhigtay wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Khilaafka labadan Wasiir ayaana si weyn looga dareemay baraha bulshada gaar ahaan Facebooka, waxaana dad badan layaab iyo amakaag ku noqotay in Wasiiro shaqo Qaran looga fadhiyo in ay ku mashquulaan dacaayad .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -