Puntland oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Wasiir Goodax

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Maamulka Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa wax lal yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo shalay magaalada Jowhar ka sheegay in uu fashilmay imtixaankii Puntland ee dugsiyada sare.

Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa sheegay, in imtixaankii shahaadiga Puntland uu sidii loogu tala-galay u socdo, isagoo xusay in maalintii koowaad ee shalay uu ku dhammaaday guul, aysan jirin meel dhibaato laga soo sheegay, wuxuuna hadalka Wasiir Goodax ku tilmaamay mid la iska yiri.

“Wasiir Goodax isagaa laga rabaa inuu caddeeyo oo sheego meesha uu ku fashilmay imtixaanka Puntland ka socda, waana nasiib daro in Wasiir Qaran uu shacabkiisa been u sheego, hadiiba uu jiro imtixaan fashilmayna isaga ayuu gooni u yahay” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in uusan jirin, Wax xiriir ah oo ka dhexeeya Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo dhigeeda heer  Federaal, isagoo su’aal geliyay halka wasiir Goodax uu ka keenay fashilka uu ku tilmaamay imtixaanka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -