Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Waxaa saakay qarax miino nuuca gawaarida lagu xiro uu ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan lala eegtay oo gaarigiisa loogu xiray shaqaale katirsan dowladda Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa gaarigiisa loogu xiray Musharaf Maxamed Macalin oo kamid ah shaqaalaha ugu firfircoon ee xafiiska xeer ilaalinta maxkanadda ciidamadda, waxaana qaraxan musharaf kasoo gaaray dhaawac culus.

Ciidamada ammaanka ee ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa u gurmaday ninkan gaarigiisa qaraxa loogu xiray, waxaana dhaawaca musharaf loo qaaday mid kamid ah isbitaalada Muqdisho oo xaaladiisa lagula tacaalayo.

Qaraxyada miino ee gaadiidka hoosta looga xiro ayaa muddooyinkan dambe ku yaraa magaalada Muqdisho, mana jirto cid sheegatay qaraxan saakay ka dhacay Muqdisho ee lagu weerarary ninkan dhallinyarada ah ee katirsanaa shaqaalaha dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar culus oo goor dhow ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo Taliye ku dhaawacmay

Caydiid Ali

Rotterdam: Arday hubeysan oo toogasho ku dilay Macalinkiisa iyo dad kale

Caydiid Ali

Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya oo War Xasaasi ah soo saaray (Akhriso)

admin
Taboola Ads ---