Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble: “Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka ku dhiban xirnaashaha jidadka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in jidadka Caasimadda loo furay si loo fududeeyo nolosha, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha.

Mudane Rooble ayaa ka raaligaliyey shacabka Muqdisho dhibaatooyinkii ay kala kulmeen xirnaanshaha wadooyinka.

“Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka Muqdisho ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha wadooyinka. Shacabkuna ma astaahilaan, mana qaadan karaan culeyskii ay kulmeen muddadii waddooyinku xirnaayeen”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono jidadka kale ee xiran, kuwaas oo iyagana la furi doonno wakhtiga ugu horreeya ee la hubiyo in khatar uga imaaneyn shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS M. Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka sida ay ugu dhabar adeyggeen difaaca shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay kor u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Dowladda iyo Galmudug oo la yimid qorshe dadkii ka qaxay Xarardheere dib loogu soo celinayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Rooble iyo Madaxda maamulada Puntland & Jubbaland oo kulmaya iyo Beesha Caalamka oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---