Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu yahay sharciga cusub ee Wasiir Fiqi uu horgeeyey Baarlamanka Galmudug?

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug ayaa maanta barlamaanka Galmudug horgeysay hindise sharciyeedka dhismaha ciidamada Booliiska Galmudug.

Wasiirka Amniga Gudaha Axmed M. Fiqi oo samaynayey bandhigga aqriska koowaad ee hindise sharciyeedka ayaa sharaxaad faahfaahsan ka bixiyey baahida ay Galmudug u qabto sharcigan gaar ahaan waqtigan la joogo oo ay wasaaraddu ku hawllan tahay dhismaha ciidamada amniga Galmudug oo ay ka mid yihiin Boolisku.

Wasiirka Amniga ayaa xusay asagoo tixraacaya dastuurka dawladda Galmudug In qodobkiisa 69aad uu ogolaanayo in “Dawladda Galmudug ay yeelato ciidamo nabadgalyo oo isugu jira: Booliis iyo Birmad, Nabadsugid iyo Ciidamada Asluubta”.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay asagoo cuskanaya heshiis dhexmaray dawladda federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka kana dhacay Baydhabo 24 Juun 2016 in lagu jaangooyey qaab-dhismeedka cusub oo ay yeelanayaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo noqonaya laba heer oo kala ah heer federaal iyo heer dawlad goboleed, mid walbana uu yeelanayo sharci Booliis oo u gaar ah, kan heer federaal ahna laga ansixinayo barlamaanka federaalka, kan heer dawlad goboleedna laga ansixinayo barlamaanada dawlad goboleedyada”

Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug ee maantay barlmaanka la horgeeyey ayaa ka kooban 14 cutub iyo 82 qodob oo dhammaan ka hadlaya waajibaadka, hawlaha iyo xuquuqda ciidamada Booliiska Galmudug iyo qodobo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maan-dooriye badan iyo raggii watay oo Muqdisho lagu qabtay iyo Masuuliyiin soo aragtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiyihii guddiga Doorashada Hirshabelle oo xilka laga qaaday iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---