Dowladda iyo Galmudug oo la yimid qorshe dadkii ka qaxay Xarardheere dib loogu soo celinayo (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa labo isbuuc kahor la wareegay magaalada Xarardheere oo aheyd xaruntii ugu weeneyd Al Shabaab ku lahaayeen gobolka Mudug.

Magaalada ayaa inta badan waxaa isaga cararay dadkii horey u deganaa, waxaana kaliya ku haray dad aad u yar iyo kuwa kale oo maalmo kaddib la wareegidii ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug dib ugu soo laabteen.

Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug ayaana ka shaqeenaya sidii degmadaasi qadiimiga ah dib ugu soo laaban lahaayeen dadkii horey uga qaxay, waxaana magaalada loo soo celiyay adeegii Internetka , waxaa sidoo kale la kiciyay ceelashii biyaha.

Dadkii ka qaxay Xarardheere oo qaarkood nolol adag ku heesataa dhulka baadiyaha iyo deegaanno kale ayaa hadda dowladda iyo Galmudug ka shaqeenayaan sidii ay usoo laaban lahaayeen si ay noloshhda halkoodii uga sii wataan.

Waxaa maanta gargaar raashin nuucyadiisa kala duwan ah loo qeybiyay qoysaska ku sugan Xarardheere, waxaana qeybinta gargaarkan looga gonleeyahay in dadka kale ee magaalada ka maqan dib ugu soo laabtaan si iyana gargaar u helaan loona caawiyo.

Qorshahan caawinaada ayaana ah mida dowladda iyo Galmudug ku doonayaan in dadka ku dhibaateesan bannaanka magaalada iyo deegaanno kale dib ugu soo laabtaan magaaladoodii ayna aaminaan dowladda.

Dadka Xarardheere isaga qaxay ayaa isugu jira kuwa lagu qasbay in magaalada ka baxaan,kuwa aragti ahaan si weyn u taageersanaa Al Shabaab iyo kuwa kale oo ka cabsaday in korkooda dagaal ka dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -