Rooble iyo Madaxda maamulada Puntland & Jubbaland oo kulmaya iyo Beesha Caalamka oo..

Wakiilada Beesha caalamka ee jooga Soomaaliya oo siyaabo kala duwan saacadihii lasoo dhaafay ula kulmay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay Wakiilada beesha caalaamka ayaa labada dhinac ay la kulmeen ku qanciyay in isku yimaadaan ayna kawada hadlaan khilaafka u dhaxeeya gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ku cadaadiyay in ay kulmaan ayna kawada hadlaan khilaafka taagan.

Kulanka dhax maraya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda labada maamul ee DF kasoo horjeeda ee Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco gudaha Xalane , walina lama shaacin waqtiga rasmniga ah ee kulankan qabsoomayo.

Beesha caalamka ayaa horey ugu guuleesatay in kulansiiso Madaxda maamul goboleedyada , waxa ayna Beesha caalamka dadaal badan ku bixineysaa sidii la isugu soo dhawaan lahaa loona qaban lahaa shirka looga hadlayo arimaha doorashada ee ka dhacaya Afisiyooni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -