Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Puntland oo u goostay dhinaca Somaliland

Ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Maamulka Puntland oo ka howlgeli jiray gobolka Sanaag ayaa la soo sheegayaa iney u goosteen dhinaca Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo watay gaadiid dagaal ay ka howlgeli jireen degmada Boocame, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey degaano ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Saraakiisha Somaliland ee la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankan ka soo goostay Puntland wixii hadda ka dambeeya ay ka mid yihiin ciidanka Somaliland.

Sidoo kale saraakiisha ka goostay ciidamada Puntland ayaa dhankooda sheegay iney ciidamada Somaliland ku biireen, isla markaana ay kala shaqeyn doonaan sugida amaanka, kamana hadlin sababta ay uga soo goosteen ciidankii ay ka tirsanaayeen ee Puntland.

Somaliland iyo Puntland oo isku heysta gobolada Sanaag iyo Sool qeybo ka mid ahaa ayaa ciidamadooda aagagaas ku sugan waxay ku caan baxeeen iney u kala goostaan labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo saaray Digniin ku socota shacabka Muqdisho

Cabdi Cade

Xisbiga Jamhuuriga oo guuldaro culus kala caraabay doorashadii Mareykanka

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira

Cabdi Cade
Taboola Ads ---