Dowlad sheegtay iney lacag dhiirigelin ah siineyso qoysaska caruurta badan dhala

Dowlada Singapore ayaa bixineysa lacag si ay dadka ugu dhiirrigeliso inay carruur dhalaan, inta lagu guda jiro xanuunkan safmarka ah ee Coronavirus.

Waxaa laga walaacsan yahay in dadweynuhu ay iska daayaan carruur dhalidda, xilli ay la daalaa dhacayaan culeys dhaqaale iyo shaqo la`aan inkastoo aan weli la shaacin caddadka lacagta la siinayo qofka.

Singapore waa mid ka mid ah dalalka ugu hooseeya dunida marka la eego ilmo dhalitaanka, waxayna in muddo ah la daalaa dhacaysay sidii ay sare ugu qaadi lahayd.

Taas si ka duwan, dalalka ay deriska yihiin ee Filibiin, iyo Indonesia ayaa isku dayaya inay xakameeyaan haweenka uurka qaadaya inta lagu guda jiro xayiraadaha ay dalalkooda ku soo rogeen sababo la xiriira cudurka coronavirus.

Singapore ayaa haatanba waaliddiinta marka ay carruur dhalaan siisa lacag dhan S$10,000, iyadoo Dalal badan oo qaaradda Aasiya ku yaalla ay  sidoo kale la soo deristay hoos u dhac dhanka carruur dhalidda ah, inta lagu guda jiro xanuunkan safmarka ah.

Horraantii sanadkan, xaddiga ilmo dhalidda dalka Shiinaha ayaa meeshii ugu hooseysay gaartay, muddo 70 sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -