Lix ka mid ah dalalka Afrika oo weli aan laga helin cudurka Coronavirus

Lix dal oo ka mid ah 54-ka dal ee qaaradda Africa ayaa ku jir liiska dalal yar oo faro ku tiris ah, oo weli aan laga soo werin kiisas la xiriira cudurka coronavirus ee ku faafaya caalamka.

Dalalkan ayaa kala ah; South Sudan, Burundi, Sao Tome and Principe, Malawi, Lesotho iyo Comoros.

Mas’uuliyiinta dalalkan qaarkood ayaa sheegay in cudurka uu ilaah ka bad-baaday ama ay ugu wacan tahay isu-socodkooda dalalka kale ee caalamka oo aad u yar, hase yeeshee waxaa jirta cabsi laga qabo inay tahay tijaabo la’aan waxa qarinaya saameynta rasmiga ah.

SOUTH SUDAN – Dalka South Sudan ayaa kasoo kabanaya lix sano oo dagaal sokeeye ah, iyo heer sare oo ah baahi iyo jirrooyin, oo ay dheer tahay kaabayaashii oo maqan, waxaana khubarada caafimaadka ay ka cabsi qabaan in fayruska uu burburin karo.

Doctor Angkok Gordon Kuol, oo ka mid ah dadka mas’uulka looga dhigay dagaalka ka dhanka ah fayruskan, ayaa sheegay in dalkiisa uu fuliyey kaliya 12 tijaabo, oo midkoodna aan laga helin cudurkan.

Waxa uu sheegay in sababta fayruska aanu weli usoo gaarin South Sudan lagu macneyn karo xiriirka duulimaad ee dalkan uu la leeyahay caalamka kale oo aad u hooseeya.

“Diyaarado aad u kooban ayaa yimaada South Sudan, inta badan dalalka uu cudurkan saameeyey ayaa ah kuwa ay keeneyn dad ka imanaya dibedda,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in walaaca ugu badan uu yahay ajaaniibta dalka ku sugan ee u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah, iyo dadka kasoo gudbaya xuduudaha dalalka deriska ah.

South Sudan waxay xirtay iskuullada, waxay mamnuucday isu-imaatinada dadka, sida xafladaha arooska, tacsiyadaha iyo dhacdooyinka ciyaaraha, ayada oo sidoo kalena mamnuucday duulimaadyada dalalka uu cudurka saameeyey.

BURUNDI – Dalka Burundi, oo isu diyaarinaya doorasho guud oo dhacda bisha May, ayaa mas’uuliyiinta waxay sheegeen in inaanu cudurka soo gaarin ay uga mahad-celinayaan Allah.

“Dowladda waxay uga mahad-celineysaa Allaha awoodda badan inuu bad-baadiyey BurundI,” waxaa sidaas taleefishinka qaranka ka sheegay afhayeenka dowladda Prosper Ntahorwamiye.

Waxa uu sidoo kale camnbaareeyey dadka “faafinaya wararka xanta” ee ah in Burundi aysan awood u lahayn inay sameyso tijaabooyin la xiriira fayruskan, iyo inaysan ka war hayn faafitaankiisa.

Burundi waxay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin in la hakiyey duulimaadyada caalamiga, islamarkaana goobaha dadweynaha la dhigay xarumo gacmaha la isaga nadiifiyo.

Hase yeeshee dhaqaatiirta ayaa walaacooda qaba.

“Wax kiisas ah lagama helin Burundi, sababtoo ah wax tijaabo ah lagama sameyn,” waxaa sidaas yiri dhaqtar reer Burundi ah oo magaciisa qariyey.

SAO TOME AND PRINCIPE – Dalka Sao Tome and Principe, oo ah jasiirad yar ayaan werin wax kiisas ah, sababtoo ah ma awooddo inay sameyso baaritaanada cudurka, sida ay sheegtay Anne Ancia oo ah wakiilka ururka caafimaadka adduunka ee WHO.

Si kastaba, waxaa hadda karantiil ku jira 100 qof oo kasoo laabtay dalal laga diiwaan geliyey kiisas cudurka la xiriira, kuwaas oo WHO ay isha ku hayso.

MALAWI – Dalka Malawi, afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Joshua Malango ayaa dhinac isaga riixay cabsida la xiriirta in sababta Malawi aan looga diiwaan gelin kiisas coronavirus ah ay tahay ayada oo aysan haysan qalabka lagu baaro cudurka.

“Waan haysanaa qalabka baaritaanka, waana sameynaa tijaabooyin,” ayuu yiri.

Dr Bridget Malewezi, oo ka tirsan ururka bulshada dhaqaatiirta reer Malawi, ayaa AFP u sheegtay in “inkasta aysan 100% diyaar ugu aheyn,” haddana dowladda ay isku diyaraineyo in fayruskan uu soo gaaro, ayada oo intaas ku dartay in waqti un uu naga xigo in fayruskan uu soo gaaro Malawi.

“Waxay ahayd un labadii toddobaad ee tagay markii cudurka uu billaabi inuu si muuqata ugu faafo Africa, waxaana dadka badankiisa ay dareensan yihiin inuu halkan soo gaari doono mar ay ahaataba,” ayey tiri.

LESOTHO – Dalka Lesotho, oo ah boqortooyo gebigeedba ay ku hareereysan tahay South Africa, kuna nool yihiin laba milyan oo qof, ayaa Isninntii waxaa la geliyey go’doon buuxa, inkasta oo aan laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo la xiriira cudurka.

Wixii ka horreeyey toddobaadkii tegay, dalka ma sameyn wax baaritaan ah oo la xiriira cudurka, mana lahayn xarumo lagu baaro, waxaana qalabkii ugu horreeyey ee cudurkan lagu baaro ay ku heleen deeq uu bixiyey maal-qabeenka Shiinaha ee Jack Ma.

Mas’uuliyiinta ayaa weriyay 8 kiis oo cudurka lagu tuhmayo, oo aysan awoodin inay baaritaan ku sameeyaan ka hor qalabka uu ku deeqay Jack Ma, hase yeeshee waxaa natiijada la filayaa dhowaan.

COMOROS – Dalka Comoros ee ku yaalla Badweynta India, kuna beegan inta u dhaxeysa Madagascar iyo Mozambique, ayaa sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka waxaan laga helin wax kiis ah oo la xiriira cudurka coronavirus.

Hase yeeshee, dhaqtar ku sugan magaalada caasimadda ah ee Moroni, Dr Abdou Ada ayaa is-weydiinaya haddii sababta ay tahay isticmaalka dawada malaariyada ee Artemisinin oo aad caan uga ah dalkaas.

“Waxaan rumeysanahay in isticmaalka baahsan ee dawada la-dagaalanka malaariyada ay tahay sababta cudurka COVID-19 ka ilaalisay Coromros. Waa wax aan shaqsiyan aniga aaminsanahay balse loo baahan yahay in cilmi ahaan loo xaqiijiyo,” ayuu yiri.

VOA/AFP

- Advertisement -