Milatariga Soomaaliya oo Shaaciyay in ay dileen saraakiil katirsan Al Shabaab oo kasoo …

Sargaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta afka dowlada ku hadasha ayaa sheegay in howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Taliyaha ururka 143-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay howlgal ciidamada ka fuliyeen tuulooyinka  Balow iyo Nuunaay ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab uu sheegay in ay kasoo carareen deegaanka Basra.

Sargaalkan ayaa sheegay in xog ay heleen kadib fuliyeen howlgalkan ka dhacay duleedka Bariiire uu tilmaamay in ay ku dileen labo sargaal oo katirsan Al Shabaab iyo ku dhawaad 10-dagaalyahan oo kale.

Waxa uu sheegay sargaalkan in xubnaha howlgalka lagu dilay ku jiray abaanduulihii howlgalinta Al Shabaab ee Shabeelaha Hoose uu magaciisa ku sheegay  Ciise tima weyne iyo sargaal kale oo Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta Zakawaadka.

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska ayaa deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ka fuliya weeraro gaadmo ah, waxa ayna inta badan saraakiisha ciidankaasi shaaciyaan in ay dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -