Madaxweyne Waare oo ka horjeestay go’aanka guddiga doorashada Hirshabelle

Madaxweynaha maamulka Hirshabele Maxamed Cabdi Waare ayaa ka soo horjeestay go’aanka gudiga soo xulida xubnaha baarlamanka iyo doorashada maamulka Hirshabele ay maanta kaga dhawaaqeen magaalada jowhar iyo habraaca jadwalka doorashada.

Guddiga farsamada ee uu magacaabay Madaxweyne Waare ayaa maanta soo saaray jadwalka habraaca soo xulista xildhibanada Baarlamanka Hirshabelle ka dib kulamo ay maalmihii la soo dhaafay ku yeelanayeen xaruntooda magaalada Jowhar.

Waare ayaa sheegay in guddiga go’aanka ay gaareen uu yahay mid aysan cidna kala tashan, sidoo kalena ay ka maqan yihiin xubno haween ah, waxaana dhinaca kale jira warar hoose oo sheegaya in Waare uu doonayo muddo kordhin.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY WAARE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -