Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Turkiga oo ku biiraya dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia iyo Erdogan oo baaq diray

Dagaal u dhaxeeya dowladaha Azerbaijan iyo Armenia ayaa labo maalin kahor ka qarxay gobolka labada dal ku muran sanyihiin ee Nagorno-Karabakh , waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dowlada Turkiga ayaa shaacisay in wax walbo oo karaankeeda oo dastuuri ah ku taageeri doonto dowlada Azerbaijan, waxa ayna ku eedeesay colaadan soo ifbaxday in ay ka dambeeso dowlada Armenia.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo ka hadlay dagaalka ka dhax qarxay labada dal ee Azerbaijan iyo Armenia ayaa ugu baaqay wadamada caalamka in ay eegaan gardarada Armenia ayna taageero siiyaan dowlada Azerbijan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay dowlada Armenia halista ugu weyn ee gobolka, waxa uuna sheegay in Turkiga diyaar u yahay in taageero walbo oo dastuuri ah in uu siiyo dowlada Azerbijan uu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday.

Dagaalka ka dhax qarxay dowladaha Azerbaijan iyo Armenia ayaa laga cabsi qabaa in uu faraha ka baxo, waxaana socda dadaalo ay wadaan qaar kamid ah wadamada caalamka si looga hortago in labada wadan dhax maro dagaal dhiig badan uu ku daato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo dad ku dhaawacmay

Caydiid Ali

Video:-Aaskii qaranka ee loo sameeyay Marxuum Maxamed Qanyare Afrax iyo Warar kale …

admin

Madaxweyne Muuse Biixi oo soo saaray Wareegto uu ku cayimay Qabsoomida Doorashooyinka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---