DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo dad ku dhaawacmay

Dhawaqa wax u eg qarax ayaa goor dhow oo caawa ah laga maqlay bartamaha magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland kaasoo la sheegay inuu sababay khasaare nafeed.

Qaraxa oo aan la ogeyn sababta dhalisay iyo waxa uu ahaa ayaa ka dhacay bas ay la socdeen dad shacab ah oo marayey meel ku dhow goob basaska laga raaco oo ku taalla xaafada Cabaaye.

Sida ay muujinayaan sawiro lagu baahiyey baraha bulshada qaraxa oo ahaa mid aan sidaa u weyneyn ayaa waxyeelo gaarsiiyey qeybo yar yar oo ka mid ah Baska iyo gaari taxi ah oo ka ag dhowaa.

Labo qof oo shacab ahaa la soo sheegayaa iney soo gaareen dhaawacyo fudud, waxaana goobta soo buuxiyey dadweyne fara badan oo raadinaya xogta waxa sababay qaraxa oo illaa hadda aan la ogeyn.

Sidoo kale ciidamada Booliska Somaliland ayaa goobta gaaray, kuwaasoo wada baaritaano ku aadan sida wax u dhaceen, dhowaan ayeyna aheyd markii sidan oo kale qarax laga maqlay magaaladaas kaasoo markii dambe Boolisku sheegeen inuu ahaa taayer la banjiranayey, qof ayaana ku dhaawacmay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -