Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo soo saaray Wareegto uu ku cayimay Qabsoomida Doorashooyinka

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne uu maanta soo saaray waxa uu ku cayimaday muddada qabsoomidda doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa shalay oo Sabti ah ku dhawaaqay jadwalka doorashada madaxtooyada iyo doorashada tooska ah ee xisbiyada ka jira deegaannada maamulka Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

 

Related posts

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah yeelanaya 

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dad Caruur u badan oo ku dhamaaday qarax ka dhacay Masaajid (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo ka qeyb galay Madasha Oslo kana hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---