Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Soomaaliyeed oo ku guuleesatay tartanka quruxda haweenka Muslimiinta ah ee dalka…

Gabar Soomaaliyeed oo kunool dalka Mareykanka ayaa ku guuleesatay tartan dhinaca quruxda ah oo loo qabtay haweenka Muslimiinta ah ee kunool qaar kamid ah gobolada dalka Mareykanka.

Sahra Abuukar oo 23-sano jir ah ayaa ku guuleesatay tartankan quruxda ee loo qabtay haweenka Muslimiinta ah, waxaana gabadhan intii tartanka socday soo bandhigtay quruxdeeda iyo hab labiskeeda oo ay la dhaceen guddiga qiimeynta tartanka.

Gabadhan oo nashaqdeesa dharka Fashionka ayaa sheegtay in ay dooneyso in tusaale u noqoto haweenka Muslimiinta, waxa ayna xustay in iyadu tolato inta badan dharkeeda gaar ahaan kuwa ay tartanka uga qeybgasho.

“Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa shuko madow. Waan jeclahay madowga, waa kalar dookheyga ah. Balse marka ay cabaayad noqoto, waxaan jeclahay kalarrada muuqda.” Ayay tiri Sahra Abuukar.

Tartankan dhinaca quruxda ee loo qabtay haweenka Muslimiinta ayaa la qabanayay dhoorkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana tartankan ka qeyb qaata haweenka da’dooda u dhaxeyso 15-sano jir ilaa 30-sano jir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo ka hadashay khilaafka ka taagan guddiyada doorashada

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay Maxamed Xaaji Axmed (Ilkacase) oo dil ku xukuman

Caydiid Ali

Shaqaalaha dowlada hoose ee Xamar oo Sadex bilood aanan heli Mushahar & xaalad adag oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---