Khayre oo ka hadlay Heshiiska Doorashada ee ay ansixiyeen labada Aqal

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada dalka ayaa xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka uga mahad celiyay ansixinta heshiiska doorashada dalka.

“Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay labada gole ee baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada. Tallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada”, ayuu Xasan Cali Khayre ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay baraha uu ku leeyahay Facebook iyo Twitter.

Xasan Cali Khayre waxuu sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay muhiimadda ay leedahay qabashada doorasho raalli lagu wada yahay oo ka maran musuq maasuq iyo ku shubasho.

“Waxaan ku baaqayaa in nidaamka Doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daah furan oo u qabsoonta si xor & xalaal ah”, ayuu yiri Xasan Cali Khayre oo sedax sano iyo bar uu dalku uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa kadib xafiiska banneenay muda laga joogo laba bilood.

Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa intii uu xafiiska joogay waxuu dhowr jeer ku celiyay inay lagama maarmaan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu wadayahay si looga baaqsado qalqal siyaaseed, mid amni iyo mid dhaqaale, hase yeeshee baaqyadiisii hore waxuu ku waayay xilkiisa sababo la xariira in madaxweynaha iyo saaxiibadii ay u arkayeen fikir kasoo hor jeeda rabitaankoodii ku saleysnaa mudo kororsiga.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ku doodaya sababta Khayre ay baarlamaanku hannaanka buuqa wata ay xilka uga qaadeen hadiiba iyada oo aan wali  laoo dhisin xukuumadii bedeli laheyd xukuumadii uu hogaaminayay, la qaatay aragtidiisii aheyd “Qabashada Doorasho Loo dhanyahay”, lagana fogaado dheereysiga xukunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -