Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Guddi uu horkacayo C/rashiid Janan oo loo magacaabay baaritaanka dhacdadii Ceelwaaq

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya dhacdadii 22-kii bishan ka dhacday duleedka Ceelwaaq oo Ciidamo ka tirsan Kenya ku dileen dad rayid ah.

Ciidamada Kenya ayaa deegaan ka tirsan Ceelwaaq ku dilay qof shacab ah, saddex kalena kaxaystay, kuwaasoo iyana markii dambe ay dileen, waxaana arintaas ka dhalatay caro xooggan iyo dibed baxyo looga soo horjeedo ciidamada Kenya oo ka dhacay dhamaan degmooyinka gobolka Gedo

Guddigan ay magacowday Jubbaland ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, waxayna arrintan ka yaabisay dad badan oo isweydiinaya sida C/rashiid Janan oo aan tegi karin gobolka Gedo, isla markaana Kenya magan u ah uu baaritaan ugu sameyn karo dhibaato ay geysteen isla ciidamada Kenya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA JUBBALAND

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil oo dishay Hoggaamiye sare oo katirsan kooxda Islamic Jihad

Cabdi Cade

(Sawirro) Ku dhowaad 80 qof oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Magaalada Sanca

Caydiid Ali

Dayuurado hub siday oo saaka ka degay Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---