Haweeney qaliin looga sameeyey caloosha oo laga soo saaray 158 nooc oo biro ah (Sawirro)

Haweeney u dhalatay dalka Turkiga oo ka cabanaya xanuun dhanka caloosha ayaa lagu sameeyey Qaliin qaatay 2 saac iyo Bar.

Dhakhtiirta fuliyey Qaliinkaasi waxay ka argagaxeen Qalabka kala duwan ee ay ku dhex arkeen inta ay ku guda-jireen Qaliinkaasi oo ka dhacay Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee (The Van Training and Research  Hospital) oo ku yaalla Gobalka Van ee Bariga dalkaasi.

Madaxa Qaliinka Guud ee Isbitaalkaasi, Dr. Yusuf Tekes oo la hadlay Wakaalladda Wararka Anadolu News Agency  waxa uu tilmaamay inuu rumeysan waayey Qalabka ay ka soo saareen Haweeneydaasi.

Dr. Yusuf Tekes ayaa xusay inay ka soo saareen 158 nooc oo biro isugu jiray yaryar iyo waaweyn, oo ay ka mid ahaayeen: Cijo-jarayaal, Mindiyaha lagu jarjaro Khudaarta, Furayaal, Cirbado, Masaamiir, Kashawiitooyin iyo Mindiyaha isku laabma ee jeebka lagu qaato).

Qaliinka lagu sameeyey Haweeneydaasi oo 24 jir ah oo si taxadir badan loo fuliyey ayaa la sheegay in lagu guuleystay, iyadoo Haweeneydii bukaanka ahayd dib ugu laabatay Guriga Qoyskeeda.

- Advertisement -