(Sawirro) Tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo galabta la soo gebagebeeyey

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa galabta soo xiray tartanka 8-aad ee koobka kubadda cagta Gobollada Puntland oo ka socday Garoonka Mire Awaare Stadium Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa ka qeybgalay oo daawaday Ciyaartii kama danbeysta aheyd ee tartanka, Taasoo dhexmartay Gobollada Haylaan iyo Nugaal. Waxaana Koobka ku guuleystay Gobolka Haylaan oo Gool-ku-laad uga badiyey Gobolka Nugaal.

Dhammaadkii munaasabadda wuxuu Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, uu Koobka guddoonsiiyey xulka Gobolka Haylaan ee ku guuleystay, iyo abaalmarinta kaalinta labaad oo uu guddoonsiiyey xulka Gobolka Nugaal, wuxuu sidoo kale abaalmariyay Ciyaartoo soo bandhigay ciyaar wanaag, gool dhallin iyo shakhsiyaad kale oo bogaadin ku muteystay intii shaqada tartanku socotay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa dhiirrigeliyay Ciyaaraha, wuxuuna sheegay inay door muhim ah ka qaataan isdhexgalka bulshada, amniga iyo guud ahaan horumarka, isagoo bogaadiyay masuuliyiintii ka shaqeynaysay intii uu Koobka socday, Ciidamada amniga sugayey, Warbaahinta iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -