(Sawirro) Ku dhowaad 80 qof oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Magaalada Sanca

Ugu yaraan 78 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday caasimadda Yemen ee Sanca ka dib markii iyadoo boqolaal qof isugu soo baxeen iskuul si ay u helaan $9 oo gargaar ah qof kasta, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta iyo goob joogayaal.

TV-ga Al Masirah oo ah telefiishanka ugu weyn ee ay maamusho dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran, ayaa sheegay in marka laga soo tago dhimashada ay dhowr qof ku dhaawacmeen kuwaasoo ay ku jiraan 13 qof oo xaaladoodu liidato.

Is-jiid jiidka ayaa dhacay xili ay rag ganacsato ah qeybinayeen deeqo sadaqo ah maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan, sida uu hadalka u dhigay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuutiyiinta ee gacanta ku haya.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay iskuulkaas si ay u helaan deeqda, taasoo gaareysay 5,000 oo Riyaal Yemeni ah, una dhiganta 9 doolar qofkiiba, sida ay Reuters u sheegeen goob joogayaal

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale war kale oo ay soo saartay ku sheegtay in la xiray labadii nin ee ganacsatada ahaa ee u qaabilsanaa qabanqaabada deeqdan lacageed, isla markaana uu baaritaan ku socdo.

Yemen waxaa ka socda dagaal sokeeye oo siddeed sano socday kaasoo galaaftay tobanaan kun oo qof, kaasoo burburiyay dhaqaalihii, malaayiin kalena gaajo ku riixay.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa faragelin ku sameeyay dalka Yemen sanadkii 2015-kii, kadib markii Xuutiyiinta ay dowladda ka saareen magaalada caasimadda ah ee Sanca sanadkii 2014-kii. Colaadda ayaa loo arkaa mid ay iska kaashanayaan Sacuudiga iyo Iran.

Riyadh iyo Tehran ayaa bishii March ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii diblumaasiyadeed ee go’ay 2016-kii, waxaana maxaabiista ay is dhaafsadeen bishan labada dhinac ay sare u qaaday rajada laga qabo in xal laga gaaro khilaafka.

Wada xaajoodka ugu sarreeya dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in wadahadalladii nabadeed ee dhowaan lala yeeshay Sucuudiga ay horumar sameeyeen, isla markaana wadahadallo dheeraad ah la yeelan doono si meesha looga saaro khilaafaadka haray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -