Israa’iil oo dishay Hoggaamiye sare oo katirsan kooxda Islamic Jihad

Ciidamada Israa’iil ayaa wali wada duqeymaha ay ku garaacayaan Marinka Gaza , gaar ahaan kuwa ay ku bartilmaameedsanayaan hoggaamiyaasha katirsan kooxda Islaamic Jihaad ee dagaalka kula jira Yahuuda.

Duqeyn shalay oo Jimco aheyd Israa’iil ku garaacday Marinka Gaza ayey ku dileen Iyad al-Hassani , Israa’iil ayaa sheegtay in hoggaamiyahan ay dileen uu ahaa xagjir hagayay duqeymaha Islamic Jihaad ku garaaceysay dhulka ay xoogga ku heestaan.

Weerarka Israa’iil ku qaaday Marinka Gaza ee lagu dilay hoggaamiyahan katirsanaa kooxda Islaamic Jihaad ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay dad shacab ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo rayid ah.

Hoggaamiyahan laga dilay kooxda Islaamic Jihaad ayaa noqonaya kii lixaad ee maalmo gudahood duqeymo ku dilaan Israa’iil, waxaana wali socda duqeymaha labada dhinac is dhaafsanayaan kaas oo dhaliyya khasaaro badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -