Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Dhuusomareeb

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Milatariga Soomaaliya qeybta 21-aad iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Miir-dugul oo koonfur kaga beegan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano katirsan Al Shabaab saakay weerar culus kusoo qaadeen deegaanka Miir-dugul oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.

Dagaalka labada dhinac dhax maray ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac , lamana oga ilaa hada khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray dagaalkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Falagle ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Miir-dugul Ciidanka milatariga uga dhintay hal askari mid kalena uu kaga dhaawacmay, waxa uuna xusay in dhinaca Al Shabaab uu khasaaro xoogan dagaalkaasi kasoo gaaray.

Al Shabaab ayaana looga baran in weerar kusoo qaadaan mudooyinkan dambe deegaanada ku dhaw dhaw mnagaalada Dhuusomareeb, waxaana dagaalkan imaanayaa xili Galmudug dhawaan sheegtay in weerar ku yihiin degmooyinka Al Shababa wali heestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -