Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo ka hadlay Guusha Ilhan Omar iyo Omar Fatah

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka guulaha ay ka gaareen doorashooyinka hordhaca ah, waxaana uu hambalyo u diray Ilhaan Omar, Omar Fatah iyo Jamaal Osmaan.
 
Ilhaan Omar ayaa markale ku guuleysatay inay Xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro Doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osmaan uu isna ku guuleystay degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.
 
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood reer Puntland ah, wuxuuna u rajeeyay guul waarta inay ka gaadhaan doorashooyinka dambe ee ay ku gaadhayaan himiladooda.
Madaxweyne Deni ayaa ku booriyey xubnahan guuleestay inay dedaalka sii laba jibaaraan si ay uga gun gaadhaan yoolkooda, taasi oo guul u ah dhamman ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo Kaalin aan lagu farxin uga jirta Wadamada ugu Musuq maasuqa badan Dunida

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Deni kala hadlay Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland?

Caydiid Ali

Wasaarada shaqada Dowlada Somalia oo amar culus ku soo rogtay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---