Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amar la xiriira Ciidul Adxaa

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa soo saartay awaamiir kala duwan ka dib kormeer ay ku tagtay Xarunta xoola qalka ee Kawaan bari.

Basma ayaa ugu baaqday shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay ilaaliyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada inta lagu guda jiro maalmaha Ciidul-Adxa oo beri ka bilaabanaya.

Waxay fartay dadka gowracanaya Udxiyada inay geeyaan goobaha loogu talagalay in lagu gowraco oo ah 6 kawaan oo loo cayimay.

“Cidii lagu arko iyadoo xoolo ku qalayso xaafadaha hortooda iyo Laamiyada waxaa laga qaadayaa tallaabo sharci ah” ayey tiri Basma oo shacabka ugu baaqday iney ilaaliyaan nadaafada.

Sanad kasta marka la soo gaaro xiligan oo kale ee ciidul adxaa waxaa waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka lagu qalaa kumanaan neef oo isugu jira Ari lo’ iyo geela kuwaasoo la siiyo masaakiinta iyo qoysaska danyarta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -