Hormuud Telecom oo soo bandhigtey ardaydii ku guuleysatay imtixaan (Sawirro)

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuuud Telecom ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay 32-ka arday ee ku guuleystay imtixaankii ay qaaday horaantii bishii August.

Ardaydan ayaa noqotay kuwa ugu dhibcaha badan, ka dib 400 oo arday ahayd oo laga qaaday imtixaanka, Ardaydu waa kuwii horey uga soo qalin jebiyay Dugsiyada Sare ee dalka, isla-markaana naawilaayay waxbarashada heerka 1aad ee jaamacadda.

Munaasabadda lagu soo bandhigay laba iyo soddonka arday ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliya, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Gudoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf iyo Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi iyo Waalidiin.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo goobta ka hadlay ayaa boggaadiyay doorka Hormuud Telecom, ay ku leedahay bixinta deeqaha waxbarasho, isagoo maamulka ku ammaanay inay culeys badani ka dul qaadeen qoysas fara-badan.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa ardayda uu nasiibka u hiiliyay kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay maanta haystaan, asagoo ugu baaqay ganacsatada kale ay ku daydaan shirkadda Hormuud.

Cabdiraxman Ibraahim Cilmi, Gudomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation ayaa dhankiisa sheegay in shirkaddu sii wadi doonto fursadda waxbarasho, ee ay siinayso bahda waxbarashada, si ay uga faa’iideystaan kuwooda aan awoodin bixinta qarashaadka waxbarashada ee jaamacadda.

Dhanka kale ardayda guuleysatay oo wiilal iyo gabdhaba isugu jira ayaa si diiran u soo dhaweeyay deeqda waxbarasho, ee ay ka helayn shirkadda isgaarsiineed ee dalka ugu weyn, iyagoona taasi kaga mahadceliyay.

Mudada ardaydu ku guda jirto waxbarashada heerka 1aad ee jaamacadda ayaa waxaa dhaqaalaha ku bixiya bixinaysa shirkadda, iyadoo ardaygu codsan karo jaamacadda ay tahay inuu wax-ka-barto wadanka gudahiisa, sidoo kalana waxa uu u madaxbannaan yahay inuu xusho kulliyadda uu doonayo.

Sidoo kale shirkaddu waxay ardayda siin doontaa qalabka iyo tasiilaadka kale, ee ay u baahan yihiin mudada dhawrka sano ahi, ee ay waxbarashada ku guda jiraan.

Waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo la bixinayo barnaamijka deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom. Hormuud Telecom Scholarship waa deeq waxbarasho oo sanadle ah, oo shirkaddu bilowday April, 2019, iyadoo ujeedka loo aas-aasay barnaamijkan uu yahay in la daboolo baahida waxbarasho ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -