Madaxweyne Farmaajo “Dowlad goboleedyada waxay ku diidayeen unbay ka aqbaleen”.(Akhriso Cadeymo)

Waxaa macquul ah cinwaanka inuu ku soo jiitay ama su’aalo kugu dhaliyay si kale aan u dhigee si un aad u fahmi weysay, haa waa suuragal soo ma’ahan! Hadaba yara kaadsiimo yeelo.
 
Sideedaba way adag tahay in qofka waxaad ku diidaneed aad ku aqbashid adiga oo isu heysto libin la jiif inaad tahay, laakiin waxaa dhici karta dhinac kale inay kaaga hoostay, aadse ku baraarugsaneen. Nuxurka aan kuu daadajiyo…….
 
Dhuusa-mareeb oo kolkii danbe madaxweyne Maxamed Farmaajo ku suntay Samo-reeb oo Galmudug xarun u ah, saddex dowlad gobboleed lagu lamaanshay gobolka Banaadir, dowladda federaalkuna ay dhex fadhido baa heshiis ku soo gaaray, Puntland iyo Jubbaland baa diidmo qayaxan kaga hor yimid, tii baa sababtay in mar kale Madaxweynu gogol fidiyo, Muqdishana la isugu tago, dhowr cisho oo uu socday ka dib dowladd goboleedyada qaarkood qodobadii ay Madaxweyne Maxamed Farmaajo ku diidanaayeen unbay aqbaleen, wayse jirtay kuwa badan oo madaxweynuhu tanaasul ummadeed ka muujiyay.
 
Dowladda gobolleed qaarkood, aan kuu magacyo dhabee Puntland iyo Jubbaland waxay diidanaayeen gudiga doorashooyinka qaranka GMDQ ee Xaliimo Yarey hogaamineesay, meesha waa laga saaray hayeeshe badalkeed waxay aqbaleen in guddi cusub oo doorashada qabta ay magacawdo dowladda federaalka hadaba maxay ku diideen guddigii Xaliimo yarey mar haday aqbalayaan midkale oo federaalka magacaabayo, qodobkaasi oo lagu heshiiyay si bay uga hoostay.
 
Puntland iyo Jubbaland waxay doonayeen in caasimadaha dowlad gobboleedyada ay ka dhacaan doorashooyinka si aysan maamulisteeda ay ugu soo xushaan qofkay doonayaan taasi badalkeed waxay aqbaleen in doorashada lagu qabto maamul goboleed walba labba magaalo oo ka tirsan, halkaa uyara kaadi, Kismaayo hadii lagu qabto, magaalada kale waxay noqoneesaa Garbahaarey saa Bu’aale argagixisada ayaa heystee, codadka Garbahaarey ka iman doono waxay u sahansan yihiin Farmaajo, u gudub Galmudug hadii Sama-reeb ex Dhuusa-mareeb ay noqoto doorashada lagu qabto, magaalada labbaad waxay noqoneesaa Cabudwaaq hadee ogsoonow waa deegaanka uu ka soo jeedo Farmaajo! Halkaa soo wax kaagama bixin.
 
Aan kuugu sii daro e’ dowlad goboleedyadu waxay aqbaleen inay Muqdisho ka dhacdo doorashada xildhibaanada Baarlamaanka iyo kan aqalka sare ee matali doono Somaliland, ergaduna ay dowlada federaalka magacaabi doonto, halkee saameenta siyaasadeed ee doorashada soo socota uu Farmaajo yeelan karo soo kuuma muuqaneeso.
 
Taxadarka ugu weyn ee Dowladda heshiiskaasi ay ka muujisay ayaa ah in Baarlamaanka loo gudbiyo hadee ogsoobow saddexda gudoomiye ee baarlamaanka iyo awoodda baarlamaanka waxay ku siyaasad yihiin Madaxweynaha oo doonistiisu aheyd in codka lagu celiyo shacabka si iyaga ay u yeeshaan kala doorashada qofka ay hogaamintooda ku aaminayaa, ogsoonow siyaasiyiinta soomaalida ee maanta ordeeso kalsooni shacabka waxaa heysta Madaxweynaha imika Villa somalia fadhiyo, hadii heshiiskaasi uu Baarlamaanka diido waa howl iyo albaabo horleh oo madaxda dowlad goboleedyada ku furanayo se aan dhowrno natiijada Baarlamaanka
 
Fatuma Yasin Omar (Shiino)
Fatumayasin2019@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -