Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad Carbeed oo maalmaha fasaxa todobaadka u bedeshay Sabti iyo Axad

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Sabtiga iyo Axada ka dhigtay maalmaha fasaxa todobaadka sida reer galbeedka, iyadoo maalinta Jimcaha loo bedelay maalin shaqo.

wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in laga bilaabo sanadka cusub ee 2022-ka, maalmaha Isniinta ilaa Khamiista ay shaqada billaabanayso 7:30 subaxnimo illaa 3:30 galabnimo, iyadoo Jimcaha la shaqeyn doono 7:30 subaxnimo illaa 12:00 duhurnimo.

“Talaabadan waxay barbar socotaa khudbadaha jimcaha iyo salaada jimcaha ee dalka Imaaraadka carabta laga bilaabo 1:15 duhurnimo. Shaqaalaha dawladu waxay yeelan doonaan dabacsanaan ay ku sameeyaan qabanqaabada inay ka shaqeeyaan guriga jimcaha, iyo sidoo kale inay u habeeyaan saacadaha shaqada si ku salaysan wakhti dabacsan” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay dowlada.

Dad badan ayaa la yaabay in dal muslim ah oo maalinta jimcaha ka dhigo maalin shaqo, halka maalmaha sabtiga iyo Axada loo bedelay maalmaha rasmiga ah ee fasaxa, si la mid ah dalalka reer galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyo 8 Wiil ay dhashay dagaal ku weysay oo kamid noqotay Martida Xajka ee Sanadkan

Cabdi Cade

Guddoomiye degmo iyo ku-xigeenkiisii oo shaqada laga joojiyey & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---