Khayre & Mahdi Guuleed oo siyaabo kala duwan uga hadlay RW la magacaabay

Sii hayaha Ra’iusl Wasaaraha Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa u hambalyeeyay Ra’isul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble oo uu xalay magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Max’ed Xuseen Rooble oo Madaxweynaha u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha  dalka. Waxaan u rajeynayaa guul iyo in uu Eebbe la garab galo mas’uuliyadda Qaran ee loo  igmaday.

Dhinaca kale, RW hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa isna war ka soo saaray sida uu arko RW cusub ee la magacaabay.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo mas’uuliyadda, kuna guuleeyo howlaha loo idmaday. Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inaan garab istaagno” ayuu yiri Khayre oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Ra’isul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweyn kala kulmay qeybaha siyaasada iyo bulshada, waxaana hor yaalla howlo culus oo la doonayo inuu qabto muddo aad u kooban, kuwaasoo hadii uu ku guuleysto wanaah u horseedi karta mustaqbalkiisa Siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -