Beer Dalxiis loo tago oo bilowday Qorshe cajiib ah si aan qashin loogu dhax tuurin !!

Goobaha loo dalxiis tago sida beeraha ayaa inta badan dadka taga waxa ay uga tagaan qashin badan ay ku jiraan waxyaabaha ay raashinka ku cunaan, waxa ayna taasi dhibaato ku keentaa beertaasi iyo maamulkeeda.

Maamulka Beer loo dalxiis tago oo kutaala Thailand ayaa keenay qorshe cajiib ah ay uga hortagayaan in beertaasi qashin lagu tuuro, waxa ayna maamulka bilaabeen in boosto ahaan ugu diraan dadkii beertaasi qashin ku tuura.

Wasiirka deegaanka Thailand  Varawut Silpa-archa, ayaa sheegay in maamulka beerta Khao Yai ay bilaabeen in khasinka boosto ahaan ugu diraan dadkii ku dhax tuuray si dadkaasi loo xasuusiyo in aysan mar dambe khashin ku tuurin meelaha la isugu tago.

Dalxiisayaasha iyo Dadka kale ee beerta booqanaya ayaa laga doonayaa marka hore in ay diwaan geliyaan cinwaankooda, si maamulka ay ugu fududaato inay khashinka u diraan haddii ay ku tuuraan.

Maamulka Beera ayaana dadka khashinka ku dhax tuura beertaasi marka ay u dirayaan warqada boostaga ugu qoraya in alaabtaasi tahay mid ay ku dhax iloobeen gudaha  Khao Yai National Park.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -