Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Dagaalka Tukaraq iyo cida ka dambeysa

Waxaa saakay Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool mar kale ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa Puntland, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay Munaasabada 18-ka May oo xiligeeda laga soo hormariyay ayaa ka hadlay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay dagaalka Tukaraq in ay soo abaabushay kana dambeyso dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna asheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee saakay dhacay in guulo ka gaareen.

“Waxaan qaranka Somaliland u sheegayaa in ciidammadu ay guul la taaban karo ka gaareen dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray, oo ay waliba jabiyeen ciidankii soo weeraray hubna ka furteen ciidankii”. ayuu yiri Muuse Biixi

Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa iyaga guulo la taaban karo ka sheegtay dagaalkii saakay ka dhacay Deegaanka Tukaraq, waxa ayna Puntland dagaalkaasi ku eedeesay in maamulka Somaliland soo qaadeen.

Dadaalo la doonayay in lagu xaliyo xiisada dagaal ee ka dhax aloosan labada maamul ayaa marar badan fashilmay, waxaana labada maamul dagaalka soo cusboonaaday mid waliba ku eedeeyay dhinaca kasoo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -