Ra’isul Wasaare Kheyre Ubax dhigay taallada SYL ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Khayre, oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 75 sano guuradii kasoo wareegatay markii dhiddibada loo taagay ururkii SYL ayaa hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii munaasabaddu socotay waxa uu ubax dhigay taallada halyeeyadii dhaliyarada SYL waxa uuna xusay muhiimadda ay leedahay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

“Hambalyo ku aaddan 15-ka May oo ah Maalinta Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed ayaan u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo udub dhexaad u ah dawladnimada iyo horumarka”, ayuu yiri Mudane Xassan Cali Khayr.

Maalinta 15-ka May waxa ay ku weyntahay diiwaanka taariikhda gobonimadoonka Soomaaliyeed, waana maalintii la unkay ururkii S.Y.L sanadku markuu ahaa 1943 kaas oo ay dhidibada u taageen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo hadafkoodu ahaa sidii ummada Soomaaliyeed ay uga xuroobi laheyd Gumeestaha, arintaas oo ugu danbeyn guul laga gaaray 1960.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -