Wararkii Ugu Dambeeyay Iska hor imaad ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo Xiisad…

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in maanta galinkii dambe iska hor imaad khasaaro dhaliyay uu ka dhacay garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamo kale oo taageersan Afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seyraar oo hada ah musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo hubeesan oo taageersanaa  Seyraar ayaa damcay in ay gudaha u galaan garoonka Diyaaradaha uu kasoo degay Musharaxa, hasa ahaatee waxaa talaabadaasi ka biyo diiday ciidanka Jubbaland sidaasna uu ku bilowday isku dhaca labada dhinac.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah oo soo gaaray qaar kamid ah ciidamadii dagaalamay, waxaana markii dambe xaalada qabowday markii ay goobta ka tageen ciidamadii taageersanaa Cabdinaasir Seyraar.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto xiisad ka dhalatay iska hor imaadka maanta ka dhacay, waxaana is uruursi wada ciidamada taageersan Musharax Cabdinaasir Seyraar.

Waxgaradka magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay wadaan dadaalo ay ku xalinayaan xiisada ka taagan magaalada Kismaayo, waxa ayna Waxgaradka ka codsadeen labada dhinac in xaalada la dejiyo oo lawada hadlo.

Jubbaland ayaa la filayaa in ay dhawaan ka dhacdo doorashada hogaanka cusub ee maamulkaasi, waxaana Kismaayo hada ka taagan xiisad sidoo kale ka dhalatay qaabka xulista Xildhibaanada cusub ee maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -