Lataliyihii dhinaca War-faafinta ee R/Wasaare Khayre oo is casilay iyo sababta ka dambeysa

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in C/qaadir Cashir Nadaara oo ahaa lataliyihii dhinaca warfaafinta ee Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre uu is casilay.

Sida aan Wararka ku helnay C/qaadir Nadaara oo mudo ahaa Lataliyaha Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hada go’aansaday in uu xilkaasi iska casilo isaga oo ku sugan magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in C/qaadir Nadaara  uu doonayo in uu isku soo sharxo kursiga xildhibaan ee Baarlamaanka  Soomaaliya uu baneeyay Agaasimaha hay’dda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Doorashada kursigaan ayaa lafilayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xaruna KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana Nadaara uu kamid yahay xubnaha ugu cad cad ee laga yaabo in kursigaas loo doorto.

C/qaadir Nadaara oo ah Wariye rug cadaa ah ayaa xilka lataliyaha war-faafinta ee Ra’isul Wasaaraha loo magacaabay 5-tii bishii sideedaad ee 2017, isagoo wax weyn ku soo kordhiyay shaqada war-faafinta xafiiska R-wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -