Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo War Cusub kasoo saartay Dagaalka dib uga qarxay Deegaanka Tukaraq 

Maamulka Puntland ayaa  ku eedeeyay maamulka Somaliland in uu masuul ka tahay dagaalka saakay dib uga qarxay Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxa ayna puntland sheegtay in ciidanka Somaliland saakay mar kale weerar kusoo qaadeen.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ciidamada Somaliland duulaan kusoo qaadeen ciidankooda jooga difaaca, waxa uuna sheegay in ay iska difaaceen weerarkaasi.

Qoraal sidoo kale saakay kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyay in Somaliland ay hurineyso colaada ka aloosan gobolka Sool, waxaana qoraalkan Puntland ku sheegtay in gardarada lagu hayo iska difacai doono.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxdii RSF oo laga saaray Khartuum & Jen Al-Burhan oo..

Caydiid Ali

Kalluumeysato ku dhimatay xeebaha Muqdisho iyo qaar nolol & geeri lagu la’ yahay

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada DF oo saaka toogasho ku fulisay afar nin oo dil ku xukunaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---