Kulan Xasaasi ah oo Hargeysa ku dhax maray Muuse Biixi iyo Ben Fender (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka .

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya maamulka Somaliland iyo dowlada Ingiriiska sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta Somaliland in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -